W. Caafimaad oo sheegtay in cudurka Covid19 uu dib uga soo cusboonaaday Somaliya

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegatay Wasaarada Caafimaadka Cudurka Covid 19 aya dad ugu dhinteen qaybo kamida magaalooyinka Soomaaliya 24kii saacadood ee ugu dambeysay iyadoo Wasaarada Caafimaadkuna bilowday inay kordhiso ololaha tallaalka cudurka Covid 19.

Warbixin ay soo saatay Wasaarada Caafimaadka dowlada federalka ayaa lagu sheegay in 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,214 lagana helay dad gaaray 92 ruux. Sidoo kale wasaarada ayaa sheegtay in lix ruux ay u geeriyoodeen cudurkan iyadoo saddex ka mid ah ay ku dhinteen caasimada dalka halka saddexda kalana gobolada dalka ay ku dhinteen.

Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay in cudurka Covid 19 uu mar saddexaad soo labakacleeyay loona baahan yahay in laga digtoonaado. Dowlada federalka ayaa la soo gaarsiiyay 302,400 talaalka Johnson & Johnson ee COVID-19. Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Mareykanka iyada oo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO).