W. Amniga Rooble magacaabay oo markii sadaxaad laga celiyay Madaxtooyada

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warar lagu kalson yahay waxaa markii sadaxaad loo diiday Wasiirka Amniga ee RW Rooble magacaabay, Cabdullahi Maxamed Nuur  in uu isaga iyo ciidankiisa ay gudaha u galaan madaxtooyada.

Wasiirka ayaa la sheegayaa in lagu celiyay barta koontaroolka ee ceelgaabta. Ciidanka madaxtooyada ee ku sugan bartaas ayaa sheegay in aysan haysanin amar uu ciidankiisa kula  galo madaxtooyada ama uu ugu gudbo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Waxaa jirta oo cabsi laga qabo in bartaas uu ka dhaco iska hor-imaad ciidan oo keeni kara dhimasho iyo dhaawac.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!