Warar xasaasi ah oo laga ka helay Room aiyo Muqdisho ayaa sheegaya in guriga Safaarada ee Rooma uu hadda ku socdo xaraash degdeg ah oo uu wado Wasiirka oo kaashanaya walaashiis iyo Nin Talayaani ah.
Sidii aan idiin kugu soo gudbinnay maqaalkii kan horeeyey ee soo xignayey qoraalkii jariidadda la republica oo tan ugu afka dheer jariidadaha laga akhristo dalka Talyaaniga ayaa haddana waxaa noo suuragashay inaan ogaanno guriga safaaradda Somaliya ee magaalada Rooma uu beec yahay, lana filayo in lala kala wareego maalmo dhow safaaraddana laga saaro.
Xog yaab le oo ay MOL heshay ayaa sheegeysa in Axmed Cabdiraxman Sh. Nuur loo keenay inuu fuliyo qorsho si degdeg ah loo abaabulay oo ay rabaan inay ku iibsadaan guriga Safaaradda Shukri Siciid oo la nool nin Talyaani ah iyo walaalkeed Cabdi Siciid Muuse oo ah hadda ah wasiiraka Arrimaha dibadda ee Somaliya, kaas oo wada in isaga iyo koox isku xeran ay ku iibsadaan guryo dhowr ah oo ay Safaaradaha Somalida leeyihiin, waana sidii ay sameeyeen qaraabadii Maxamed Siyaad kadib markii uu xukunka ka sii dhacayey.
Guriga waxaa dallaal waxaa ka ah nin talyaani ah oo isaga magaciisa dhowaan soo heli doonno. La republica soo baxday 29 April 2022 ayaa waxay qortay “Qualcuno, nell’attuale governo somalo, avrebbe progettato una sorta di vendita last minute per incassare almeno la Caparra” oo macnaheedu yahay Qof, dawladda Soomaaliya ee hadda jirta ka tirsan, ayaa qorsheynaya nooc iib ah ayaa daqiiqadaha ugu dambeeya si uu u ururiyo ugu yaraan deebaajiga. Qofka la sheegayaa waa wasiirka Arrimaha dibadda ee waqtigan Cabdisiciid Muuse.