Villa Soomaaliya oo saddex diyaaradood ka dejisay Garbahaarey

Reading Time: < 1 minute

Saddex diyaaradood oo ay kireysay Villa Soomaaliya ayaa shalay waxay ka degtay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, sida uu soo wariyay Axmed D. Wariyaha MOL

Diyaaradahaas ayaa waxaa saarnaa odayaasha dhaqanka ee maamulka Farmaajo dejiyey qaar kamid ah hoteelada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Saddex illo wareedyo kala duwan oo si dhow ula socda safarkan ayaa u MOL u sheegay in odayaasha dhaqanka lala kulan-siiyey hogaanka dhaqanka iyadda oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

“Madaxweyne Farmaajo waxaa ka go’an in uu si buuxda gacanta ugu dhigo 16-ka kursi ee yaala gobolka Gedo uuna siiyo shaqsiyaad uu isaga og-yahay in ay dooranayaan,” ayuu yiri mid kamid ah illaha.

Wuxuu ku daray: “Saddexdan duulimaad waxaa ka horeeyay duulimaad kale oo uu saarnaa maamulaha qarsoon ee Farmaajo ee gobolka Gedo, Kulane, kaasoo dhaqdhaqaaqyo muddooyinkii dambe wadday”.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Jubaland ay Khamiistii u diidey lataliyaha doorashooyinka Farmaajo in uu ka dego Kismaayo kuna eedeysay “in uu magaalada u waday hub sharci darro ah iyo khalkhal gelin”.

Cali Cabdi Raage, oo musharax u ah kursi degaan doorashadiisu tahay Kismaayo, ayaa cambaareeyay falkaas waxaana uu ku eedeeyay hogaanka Jubaland in ay kasoo horjeedaan musharaxnimadiisa.

Sidoo kale, talaabadda odayaasha dhaqanka loogu daabulay magaalada Garbahaarey ayaa imaaneysa xilli ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu Kismaayo joogo kuna sii jeedo maanta xarunta gobolka Gedo.

Madaxda maamulka Jubaland ayaan raali ka ahayn safarkaas, sida loo xaqiijiyay MOL. Socdaalkan wuxuu wiiqi karaa dedaaladii xalka loogu goobayey is-mari-waaga iyo qabsoomida coddeynta.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!