Villa Soomaaliya oo isku Bedeshay Mehrad Lagu Iibiyo Sumcad Dilka Soomaaliya!!

Reading Time: < 1 minute

Tan iyo markii ay hana-qaaday Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo,Soomaaliya waxaa laga xukumaa Villa Soomaliya, waana meesha muujisa jiritaanka qarannimada.

Hadda waxaa Villa Soomaaliya laga soo sheegayaa qodobo halis ku ah jiritaanka Soomaaliya, sidoo kalena keeni kara in dalka uu burburo.

Waxyaabaha ka jira Villa Soomaaliya ee halis ah waxaa kamid ah:

  • Ka Warqabid la’aan guud ahaan dalka
  • Maamulka dalka oo ay hayaan dad ka madaxbannan Farmaajo
  • Dowlado shisheeye oo dalka boobaya sida Itoobiya Iyo Kenya
  • Xilalka muhiimka ah oo lagu bixinayo nin jecleysi
  • Talada dalka oo dad kooban gacanta loo geliyey
  • La xisaabtan la’an guud oo hay’adaha dowladda ah

Lama oga in arrintani uu wax ka bedali karo madaxweyne Farmajo, balse dadka falaqeeya arrimaha siyaasadda quus ayeey ka taagan yihiin xaaladda dalka.