Villa Soomaaliya oo dagaal ka dhan ah MW Saciid Deni ka bilaawday Baraha Bulshada

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dhowrkii maalin ee u danbeeyay ka socday baraha bulshda dagaal dacayadeed oo ku wajahan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni. Dagaalka oo ay ka muuqato astaamaha lagu yaqaano video laga soo abaabulo madaxtooyadda ayaa lagu eedeynaya Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni in uu iibsday qaranimadii Soomaaliya.

Mid ka mid dhalinyartada lacagta lagu siiyo soo saarida dacaayadaha oo ku sugan magalaada Muqdishu ayaa u sheegay MOL in ay soo socdaaan Video kala duwan kuwaas oo lagu bartilmaameysanayo Madaxweyne Saciid Deni.

Video ugu danbeeyay ayaa lagu eedeynayaa Madaxweyne Deni in uu qaranimadii Soomaaliya uu ka iibsaday dalka iskutaga imaaraadka.

Waxa horay Video noocaan ah looga sameeyay Madaxweyne Shiikh Sharif, lakiin markii Shiikh Sharif uu qadka taleefanka kula hadlay MW Farmaajo oo uu u sheegay in uu isaga mas’uul ka yahay soo saarida Video noocaas ah ayaa Kheyre iyo Farmaajo waxa ay amreen in Video noocaas ah la joojiyo.