Villa Somalia oo shaacisay Go’aan lagu degdegay!!

Reading Time: < 1 minute

Lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali  si adag uga hadlay qoraal kasoo baxay QM waxana uu sheegay y in uusan adduunka ka jirin in dad dibadda ka yimid ay booqdaan wixii ay doonaanna ka sameeyaan goobaha xasaasiga ah ee ay dowlad leedahay.

Hadalkan ayaa jawaab u ah qoraal ku jirtay warbixintii Guddiga dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea ay shalay u gudbiyeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Warbixintooda qeybta Hubka ee Soomaaliya quseysay waxaa ay ku sheegeen in dhowr jeer laga hor istaagay in ay qiimeyn ku sameeyaan Keydka Hubka ee Dowladda Soomaaliya ee yaalla Xerada Xalane.