Villa Somalia oo ka been sheegtay xogta safarka Thabo Mbeki iyo wafdigiisa

Reading Time: 2 minutes

Sida ay sheegeen diblomaasiyiin ka tirsan urur Goboleedka IGAD, ujeedka safarka Thabo Mbeki iyo wafdigiisa aya salka ku haya sidii MW Farmaajo uu ogolaan lahaa in wadahadal lagu dhameeyo kiiska Badda ee kala dhexeeya dowladda Kenya.

MW Farmaajo aya ballamo hore uu galay kuna aqbalay in uu wadahadal qaadan doono dib uga laabtay cabsi iyo cadaadis uu ka baqay in uu uga yimaado shacabka Soomaaliyeed.

Thabo Mbeki iyo wafdigiisa aya Muqdisho joogi doona laba maalmood, waxaana laga sugayaa MW Farmaajo in uu yeelo ama diido in wadahadal la geliyo kiiska Badda Soomaaliya dibna loo dhigo dacwada Badda, taasoo haddii uu yeelo in dib loo dhigo ay suurta gal tahay in dacwada ay qaadan doonto in dib loo furo muddo lagu qiyaasay 10 ilaa 15 sano.

Madaxtooyada Soomaaliya aya sheegtay in Thabo Mbeki iyo wafdigiisa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.