Qarax dhawaan ka dhacay Deegaanka Biya-cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu weeraray Sargaal lagu Magacaabo Saneey Cabdulle Gaab kaas oo si aad ah u diiday muda kordhintii Madaxweyne Farmaajo sidoo kalana hogaaminaayay Ciidankii Mucaaradka ee Muqdisho soo galay
Xog hoose oo ay heshay Mol ayaa waxaa ay sheegeeysaa in dhaawaciisa kolkii la keenay muqdisho ay dalbatay Wasaarada gaashaandhiga in ay iyadu dabiibto Hase’yeeshee Col Saneey cabdulle ayaa diiday asigoo sheegay in la rabo qaarajintiisa
Caafimaad Dibada ah ayaa loo qaaday waxaana uu diiday in Safarkiisa xitaa ay dowladu ku lug-yeelato taas oo tuhun xoogan dhalisay,waxaana laga baqanaayay in ay qaab farsameeysan u dilaan.
Madaxweyne farmaajo ayaana ilaa iyo imanka waxaana uuna ka quusan in aar gudsiga saraakiisha ka tirsan Ciidamada Dowlada ee diiday in uu waqtiga ku darsado mudo laba sano
arrinkaan ayaa waxaa uu u muuqdaa mid culeeyskiisa leh oo ay baqdin kasii qaadanayaan Saraakiisha kale ee Hadda shaqeeysa