Villa Somalia oo bilowday in ay handado suxuufiyiinta ka hadla kiiska Badda

Reading Time: 2 minutes

Qoraal uu soo dhigay agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdunuur Maxamed oo uu adeer u yahay Fahad Yasin ayuu ku sheegay in saxaafadda ka hadasha kiiska Badda uu xeer ilaaliyaha qaranka la xisaabtami doono.

WAXAAN SI CAD U BEENINEYNAA WARARKA BEEN ABUURKA AH EE LAGU BAAHIYAY WARBAAHINTA EE LAGU SHEEGAY INUU IS BEDELAY MOWQIFKA DFS EE QADDIYADDA KIISKA HORYAALA MAXKAMADDA. XEER ILAALIYAHA GUUD AYA BAARI DOONA SAXAAFADDA BAAHISA WARARKA BEEN ABUURKA AH

Agaasimaha aya waxaa qoraalka ka muuqday sidii loo cabsi gelin lahaa saxaafadda, iyadoo maalintii shalay ahayd la ansixiyay sharciga saxaafadda. Maamulka MW Farmaajo aya caan ku aha caburinta shacabka, mucaaradka, iyo saxaafadda, balse ma aha mid loo joojin doono masiirka ummadda ee naga wada dhexeeya.

Su’aalaha ay saxaafadda weydiisay Villa Somalia ee jawaabtooda laga sugaaya aya waxaa ka mid ah.

  • Waa maxay mowqifka Villa Somalia hadalkii ka soo yeeray Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya kaasoo sheegay in kiiska Badda ee Somalia & Kenya lagu dhameyn doono is afgarad dhex mara labada dal. Hadalka Safiirka aya Villa Somalia aanay ka jawaabin taasoo keentay tuhun badan oo soo galay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
  • Muxuu MW Farmajo ula hadli waayay shacabka Soomaaliyeed ugana warbixin waayay halka uu marayo kiiska Badda iyo dacwada kala dhexeysa Kenya. Maxaase ka run ah safarka la sheegay in uu MW Farmaajo ku tegi doono Addis Ababa si uu ula kulmo Uhuru Kenyatta?
  • MW Farmaajo waxaa looga fadhiyaa markii uu RW Itoobiya kasoo kaxeeyay Addis Ababa ee loo keenay Uhuru Kenyatta, muxuu ahaa heshiiska dhex maray labada dhinac?
  • Waa maxay sababta ay DF ugu gaargaar saneyso ka hadlida kiiska Badda iyadoo dowladda Kenya ay ku kacday falal lid ku ah qaranimada Soomaaliyeed taasoo ilaa hadda aanay DF ka bixin fal celin una sharaxin shacabka halka ay ka taagan tahay daandaansiga Kenya.

Su’aalahaas iyo kuwa dhowr ah uu ka saabsan qadiyadda guud ee dalka aya looga fadhiyaa Farmaajo iyo kooxdiisa in ay shacabka ka qanciyaan ka hor inta aanan handadaad iyo xarig hawada loo soo marin saxaafadda