VIDEO: Xassan Daahir Aweeys”Kheeyre qalad ayeey kugu tahay inaad Doha kasoo hanjabto,waa ceeb bilaa caleeyk”

Reading Time: < 1 minute

Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay saameynta ka dhalan karta is ixtiraam la’aanta madaxda Soomaalida dhexdeeda.

Xasan Daahir, ayaa wuxuu soo hadal qaaday hadal ra’iisul wasaaraha dalka uu ka jeediyay magaalada Doha ee dalka Qatar oo ahaa inaysan cabsi galin doonin waxa uu ugu yeeray qabqable Dagaal.

Xildhibaanada iyo madaxda ayuu sheegay inay wanaagsan tahay inay si wanaagsan u wada shaqeeyaan oo laga fogaado waxyaabaha keeni kara fowdo kale oo dalka Soomaaliya uu galo.