Reading Time: 2 minutes
The Somali man, seen here in the security camera footage of the airport, was nabbed thanks to attentive police officers.

Nin Soomaali ah oo iska soo dhigay gabar, si uu ugu dhoofo baasaboor gabar leedahay ayaa 12-kii bishan lagu qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkey, waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Sabah ee Turkey.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Ibrahim M. ayaa lagu qabtay garoonka diyaardaha Esenboğa ee magaalada Ankara, isaga oo kusii jeeda dalka UK.

Ibrahim ayaa watay kaarka deganaashaha iyo warqadaha safarka (Baasaboorka yar) ee Khadija H.,  markii la qabtay isaga oo doonaya inuu raaco diyaarad u socotay magaalada London.

Waxa uu u labisnaa sida dumarka isaga oo wata goono dheer, kootka gabdhaha iyo qamaar, islamarkaana soo marsaday walxaha dumar isku qurxiyaan (make up).

Booliska ayaa ka shakiyey Ibrahim markii ay ka yaabeen walxaha la isku qurxiyo ee tirada badan ee wejiga soo marsaday.

Saraakiisha booliska ayaa kadib dib ugu laabtay muuqaallada kaamirooyinka garoonka, waxayna heleen Khadija oo baasaboorka ku siineysa Ibrahim gudaha garoona.

Booliska ayaa kadib ka dalbaday Ibrahim inuu iska qaado qamaarka, iskana dhaqo walxaha uu soo marsaday, kadibna sidaas ayaa lagu ogaaday.

Mudada uga hartay in uu sii hayo xilka Madaxweynaha Maxamed Farmaajo
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
138 days
21 hours
09 minutes
45 seconds

Khadija, oo la sheegay inay tahay saaxiibtiis, ayaa iyadana la xiray ayada oo isku dayeysa inay ka baxsato garoonka.  Labadooda waxaa hadda gacanta ku haya booliska.

Hoos ka daawo muuqaalka dhacdadan

[videopress 2Wi7jgCs]