Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Masaajid Caliguduud oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
Dagaalkan oo ah mid culus ayaa waxaa ka qayb-qaadanayaa diyaaradaha dagaalka Turkiga oo xalay iyo illaa saaka gantaallo ku garaacaya goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in duqeynta si xoogan looga dareemayo deegaanka, islamarkaana daryan hubka si weyn looga maqlayo halkaasi
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay duqeymahaasi ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab, balse ma shaacin tirada rasmiga ah.
Ciidamada dowladda oo maalin kahor dib uga soo baxay Masaajid Calguud ayaa sidoo kale lagu soo warrayaa inay haatan dib ugu laabanayaan deegaankaas oo ay muddo sanado ah maamulayeen Shabaab oo weerar rogaal celis ah soo qaaday, kadib duulaanka dowladda.
Ujeedka ciidamada huwanta ayaa ah inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaalla saldhigga ugu weyn ee ay kooxda ku leedahay gobolka Shabeelaha Dhexe.