(Video) Mudanyaasha Aqalka Sare oo ka dooday go’aankii golaha wasiirada ee dhibane Qalbi Dhagax

Reading Time: < 1 minute

Shir aay maanta isugu yimaadeen mudanyaasha aqalka sare ayaa waxaa ajandaha looga dooday uu ahaa go’aankii aay golaha wasiirada ka gaareen dhibbane Cabdikarin Qalbi Dhagax

Guddi loo saaray gefkaas ayaa lagu wadaa in go’aan rasmi ah kasoo saaro kaasoo aay mudanayaasha aqalka sare aay u soo gudbin doonaan guddoonka aqalka sare.

Waxaa la saadaalinaaya in go’aankaas uu noqon doono in mudanayaasha aqalka sare aay ku sifeeyaan go’aankii golaha wasiirada in uu ahaa mid sharci darro ah. Haddii saadaasha rumowdo waxaa iyagana la filayaa go’aan midkaa la mid ah in aay qaataan golaha shacabka.

Haddii labada aqal aay soo saaraan bayaan isku mid ah, waxaa suurto gal ah in golaha shacabka aay kalsoonida kala laabtaan RW Xasan Cali Kheyre