VIDEO:-Maxaadna Ogeeyn oo Maanta ka dhacy Hoolkii Doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka!!

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada oo 10-musharax ay kula tartameysay.

Guddoomiyaha cusub oo ka hadlay Guusha uu gaaray ayaa sheegay inuu wadada u jeexi doono dimuqraadiyad iyo dejinta sharciga dalka,isagoona ku shaqeyn doona rabitaanka shacabka.

“Waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka inta codkooda i siisay iyo inta aan isiin waxaan sidoo kale u mahad celinayaa intii u tartameysay xilkan waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Saaxiibadeey iyo intii dadaal igula gashay inaan xilkan ku guuleysto Maalintii khamiista ee taariikhda ay ku beegneyd 26/04/2017 waxaan hortiina ka aqriyay Barnaamij Siyaasadeedkeyga oo ka koobnaa 10-qodob waxaan idin xasuusinayaa inaan fulin doono Barnaaamij siyaasadeedkeyga iyo wixii kale ee Baarlamaanka u baahdo”.ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal.