Video-Gudoomiye Jawaari”Kheeyre ayaa Amray in Ciidamo la dul-dhigo Xarunta Baarlamaanka!!!

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Ferderaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay Ciidamada gelinkii dambe ee maanta la wareegay xarunta Golaha Shacabka.

Ciidamo cusub oo gaar ah ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegay ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Xarunta Golaha Shacabka waxaa ammaankeeda horey u ilaalin jiray Ciidamo Boolis ah oo tiro ahaan gaaraya 114, oo uu ka warhayo Guddoonka Golaha Shacabka, kuwaasi oo Miisaaniyad gaar ah lagu siiyo.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxa uu sheegay in galabta la qaaday Ciidankii oo dhan lana keenay Ciidamo cusub, iyada oo uu sheegay inaan lagu soo wargelin.

Wuxuu sheegay falkan in ay ka dambeyso Xukuumadda, wuxuuna tilmaamay wixii dhibaato ah ee arrintan ka dhasha in wax laga weydiin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kahyre.

Waxaa taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Guddoonka Golaha Shacabka oo garab ka mid ah ay gadaal ka riixeyso Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre, arrintan waxaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato kulamada Baarlamaanka.