Video:-Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Dowlada Ku eedeeyay Eex iyo sinaan la’aan dhanka Gobolada ah!!

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiye yuusuf Cabdi hagar  (yuusuf dabageed) oo warbaahinta Kula hadlay Magaalada Baladweeyne Ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Dowlada Soomaaliya Ku eedeeyay in ay xaqirtay waxyaabo badan oo gobolkaasi uu xaq u lahaa.

gudoomiyaha ayaa sidoo kale tibaaxay in haatan loo baahanyahay in dowladda soomaaliya ay sinto gobolada dalka balse anan loo baahneen in dowladda ay gobolada mucaaradsan ay iyadu taageero siido.

gudoomiye yuusuf cabdi hagar dabageed ayaa carabka ku dhuftay in maamulka iyo shacabka gobolka hiiraan ay ka tashan doonaan dowladda soomaaliya maadama aysan ka helin xuquuqdi ay ku lahaayeen.

gudoomiyaha gobolka hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ka howlgala hiiraan ineysan dowladda wax mushaar ah ka helin wuxuuna intaa ku daray in shacabka iyo maamulkaba aysan wax garab ah ka helin dowladda dhexe ee soomaaliya

hadalka gudoomiyaha gobolka hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli r/wasaaraha xukuumada federaalka soomaaliya uu ku sugan yahay magaalada jowhar ee xarunta maamulka hirshabeelle