Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
307 days
00 hours
19 minutes
15 seconds

Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal haayay in ciidamo Itoobiyahaan ah ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya islamarkaana ay soo gaareen gobalka Gedo.

Warar horu dhac ah oo laga helay ciidanka soo gaaray Gedo ayaa sheegaysa in ciidankaasi ay u badan yihiin ciidan Soomaali ah oo dhowaan tababar soo qaatay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidankaan ay yihiin dhalinyaro sanadkii hore loo qaaday dalka Eritrea islamarkaana ay hada soo dhameesteen tababarkìi waxaana lagu soo dhax daray askar Itoobiyaan ah.

Sababta ay ciidanka Itoobiya usoo raaceen ayaa lagu sheegay in ciidankaasi ay wataan hub culus oo ay mamnuuc tahay in Soomaaliya soo iibsato ama loogu deeqo maadaama ay saaran tahay cunaqabatayn dhanka hubka ah.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin ciidanka ajnabiga ah ee dalka soo galay iyo wararka sheegayo in ciidamo Soomaali ah qeyb ka yihiin ciidankaas ka soo gudbay xaduuda Itoobiya ee Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here