Sida ay ogaatay Muqdisho Online C/laahi Xassan Bariise oo ah Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Ee Ciidamada Booliska ayaa lagu ama=ray in uu tago SNTV ka dibna Been u sheego shacabka sida Baraha Bulshada loogu Baahiyo,taas oo laga garan karo halka uu gaarsiisan yahay garaadkiisa.
Bariise waxaa uu sheegayaa in Gacanta lagusoo dhigay Dadkii geeystay dilalkii ugu dambeeyay Ee ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxaa xaqiiq ah in arinkaan sheegisteeda uu ka ceebsaday Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed,
Su’aalaha Muhiimka ah ee u baahan in la isweeydiiyo ayaa ah,meeyay shaqsiyaadkaasi la sheegayaayo?? Maxaa looga been abuuranayaa Bulshada oo loo leeyahay Dadkii Dambiilayaasha ahaa ayaan soo qabanay.
Bulshada Soomaaliyeed Walow ay ka dheregsan yihiin been Nool nool ee ay u sheegayaan Madaxda Dowlada ee hada jirta hadana waxaa wax laga xumaado ah in Umadda la qaldo