Valadamir Putin oo magacaabay safiirka Raashka u fadhin doono Soomaaliya iyo Jabuuti

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadamir Putin waxa uu shalay soo saaray 2 Wareegto uu ku soo magacaabay Halka Danjire ee Raashiya wakiilka uga noqon doona dalalka Somalia iyo Jabuuti

Sida aan ka soo xiganay Shabakadda Macluumaadka Qaanuuniga ee dalkaasi waxaa Danjiraha cusub lagu magacaabaa Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof

Isla Wareegtadaas, waxaa DanjireMikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof sidoo kale loo soo magacaabay xilka Danjiraha Federalka Raashiya u joogi doona Somalia.

Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof waxa uu tan iyo sannadkii 2013-kii ahaa Qunsulkii Guud ee Dowladda Raashiya u joogay magaalladda Cinaabat ee Bariga dalka Algeria.

Dowladda Raashiya wax Safaarad ah kuma laha Somalia tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka ee sannadkii 1991-kii.

Dhinaca kale, Lama shaacinin Rugta Diplomaasiyadeed ee rasmiga ee uu Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof ka hawl-geli doono inay tahay  Somalia ama Jabuuti, iyadoo inta badan Danjirayaasha  loo soo magacaabo inay Dowladooda  u matalaan laba Waddan ay Rug Diplomaasiyadeed ama Safaarad ku yeeshaan mid ka mid ah Waddamadda loo soo magacaabo.