ururrada siyaasadda Puntland oo ku eedeeday MW Deni faragalinta doorashooyinka

Reading Time: 2 minutes

Qaar kamid ah urur siyaasadeedyada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay kala jebin ku waddo ururrada siyaasadda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kulan kula yeshay qaar kamid ah ururada Siysadadda ee Puntland iyagoo ka wada hadlay qodobo ay horey u soo gudbiyeen Ururada isku diiwaan galiyay Siyaasadda Puntland.

Labada dhinac ayaa ka heshiiyay qodoba ay dhowaan soo jeediyeen ururrada oo ku saabsan xallinta caqabadaha ka jira hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

Kulanka Madaxweynaha iyo ururada Siyaasadda waxaa ka maqnaa saddex urur siyaasadeed oo ay ku jiraan Horseed iyo Mideeye kadib markii sida la sheegay aysan ku qancin sida loo wajahay qodobada qaarkood.

Dhankooda urur siyaasadeedyada Puntland ee aan kulanka ka qeyb gelin oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa ku eedeeyay xukuumadda Puntland inay fara gelin ku hayso ururrada islamarkaana kala jebin ku waddo.

War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedyadan ayaa lagu sheegay in xukuumadda Puntland fara gelin ku hayso ururrada islamarkaana kala jebin ku waddo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne guud si loo badbaadiyo geeddi-socodka hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Go’aankan ayaa soo baxay saacado kadib markii madaxweynaha Puntland iyo lix urur siyaasadeed ay sheegeen in ay heshiis ka gareen doorashooyinka qof iyo cod.