Ururo warbaahineed oo cambaareeyay qaraxii gaarigiisa loogu xiray wariye Ismaaciil Shiikh Khaliifa!!

Reading Time: < 1 minute

Isaga oo wata gaarigiisa ayuu qabsaday qarax kol sii horeysay loogu xiray gaariga uu watay wariye Ismaaciil Shiikh Khaliifa waxaana soo gaaray dhaawac culus.

Wariye ismaaciil Shiikh Khaliifa ayaa qaraxa waxa uu ku qabsaday gaarigiisa waaxda March ee degmada Waaberi waxaana durbadiiba loola cararay Isbitaal si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad.

Xoghayaha guud ee ururka SOMA  Maxamed Cabduwahaab oo aan ka wareysanay xaalada caafimaad ee wariyaha ayaa inoo xaqiijiyay in xaaladiisa caafimaad ay kasoo rayneyso uuna u rajaynaayo caafimaad deg deg ah.

Waxa uu si kulul u cambaareeyay beegsiga wariyaha waxa uuna carabka ku adkeeyay in falka lagu doonayay in lagu dilo wariyaha uu ahaa mid fulaynimo ah.

Maalmihii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada lagu dhejiyo gawaarida.