Ururka Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Fariisin Ciidanka Kenya Ay Leeyihiin

Reading Time: < 1 minute

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degaan hoos yimaada magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Waxaa la sheegay in halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidanka Kenya oo garab ka helaya kuwa Soomaalida iyo Ururka Al Shabaab oo weerarka qaaday.

Dadka degaanka ee ku sugan Buusaar ayaa waxa ay sheegeen inay maqleen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo ay is dhafsanayeen ciidanka Kenya iyo Ururka Al Shabaab.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan markii uu dagaalku soo gaba gaboobay in ciidamada Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay duqeeyeen dhulka hawdka ah ee ku hareeraysan Buusaar.

Saraakiisha ciidanka Kenya weli kama aanay hadlin weerarkan kaga yimid dhanka Ururka Al Shabaab oo sheegtay inay khasaare xoogan garsiiyeen ciidanka Kenya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!