Ururka Jaamacada Carabta oo taageero siin doonaa Dowladda Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magaalada Qahira ee caasimada dalka Masar ahna xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ka dhacay shir ay kasoo qaybgaleen xubnaha joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii taageero muuqato loogu fidin lahaa dowlada Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Abuu Geydh, ayaa kulan la qaatay wasiirka maaliyadda ee dowlada faderalka Soomaaliya Abdirahman Ducaale Bayle ayagoona kawada hadlay sidii Jaamacadda carabtu ay kor ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Labada masuul ayaa waxa ay sidookale isla falanqeeyay horumarada ay dowlada Soomaaliya samaysay iyo sidii loo dajin lahaa qorshe ay Jaamacadda Carabtu Soomaaliya ku taageeri karto.

Xubnaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta waxaa ka go’an in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhanka amniga iyo xasiloonida sidaasna waxaa yiri Afhayeenka xoghayaha guud ee ururkaasi Moamuud Afifi.

Shirkan ayaa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo garab istaagi lahaa dowlada Soomaaliya iyo sidii looga caawin lahaa horumarada dowlda u qorsheesan in ay gaarto sanadaha soo socdo.

Wasiirka maaliyadda faderaalka Soomaaliya Abrihaman Duale Bayle ayaa dhankiisa uga mahadceliyay xubnahakatirsan ururka jaamacadda carabta taageerada ay u muujiyeen dowlada soomaaliya.