Reading Time: < 1 minute

Go’aankii isqilaafsanaa ee xalay ka soo baxay madaxda dalka ee la xiriiray ku dhawaaqida maalinta Ciida iyo sida ay go’aanka adag u qaateen urur diimeedka Ictisaam ayaa waxa ay fartiin u dirtay shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiis, gaar ahaan urur diimeedyada kale oo ay siyaasada dalka isku hayaan.

Al Isticmaan oo hada gacanta ku haya hogaanka dalka,  oo  uu u horeeye Madaxweyne Farmaajo iyo dhmaan   hay’adaha amniga dalka ayaa waxa ay xalay awoodoodii u isticmaaleen in ay shacabka Soomaalida si qasab ah loogu iclaamiyo dhalashada maalinta ciida.  Ma aha kaliya in la iclaamiyay maalinta ciida, balse waxa ay warbaahinta la soo fariisteen wasiirkii Awqaafta iyaga oo u meerinaya in uu ku dhawaaqo in ay beritio tahay Ciid, kana noqdo go’aankisii hore.

Hogaanka ugu sareeye ee urur diimeedka Ictisaam, Shiikh Bashiir Salad ayaa  in mudo ah waxa u sharaxnaa in loo magacaabo muftiga ugu sareeye diinta ee dalka Soomaaliya, taas oo siinaysa awood diimeed iyo mid siyaasadeed uu ku iclaamin karin Fadwo, nooc kastaa leh, taas oo saamaynaysa nolosha umadda Soomaaliyeed, naxiib wanaag, Farmaajo oo ka baqaya shacabka Soomaaliyed iyo Al Sunna Wajameeca ayaan ku dhawaaqin  magacaabistaas inkastaa oo qoraalka  magacaabistiisa  horay uu u qoray.