ururka daacish oo fariin hanjabaad hawada usoo marisay ururka al shabaab ee ka dagaalama soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Wargeyska Todobaadlaha ah ee ku hadla afka Daacishta ka dagaalanta Syria oo lagu magacaabo Al-Naba ayaa waxaa lagu soo daabacay in hogaamiyayaasha sar sare ee Daacish ay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ay kaga digayaan in wax is hor istaag ah aysan ku sameyn howlagalada ay Soomaaliya ka wadaan Daacish.

Afayaeen u hadley Daacish oo ay soo xigteny wargeyskaasi ayaa waxa uu sheegay in ay fahansanyihiiin in Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn dhaq dhaqaaqyada ay Daacish ka wadaan Soomaaliya balse ay qaadi doonaan tilaabo waliba oo ay isaga difaacayaan dagaal ay kusoo qaadaan.

Waxa kale oo uu sheegay in Shabaab ay weeeraro ay ku qaarijiyeen Saraakiil sar sare oo Sooomaaliya wakiil ugu ahaa Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ay ksuoo qaadeen balse sida uu sheegay iminka la joogo xiligii ay Daacish ka aargudsan laheyd.

Wax ay u muuqataa in Urur diimeedyada dagaalama eev geeska Afrika ay iyagu is qoomayaan taasi ayaana Dowladda dhexe ee Soomaalia u ah fursad balaaran oo ay ku kala dhantaali karto mar hadii iyagu dhexdfooda uu dagaallo ka bilaawday.