Ururka Alsunna oo abaabul xoogan kawada Galmudug & Walwal la soo darsay Qoor-Qoor

Reading Time: < 1 minute

Asbuucii  la soo dhaafay waxaa ka bilaawday deeganada hoosyimaada Dowlad Goboleedka Galmudug abuubul ciidan iyo kicinta shacabka reer Galmudug. Abaabulkaan ayaa waxaa hogaanka u haya   madaxdii hore ee  Ururka Al Sunna Wajameeca, Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir.

Abaabulkaan ayaa ku soo aaday siyaaro sanad leh oo ay ururka Al Sunna ku qaban jireen deegaanada Galmudug.  Shacabka Galmudug oo  ay cabsi badan kala soo daristay ururka Al Shabaab oo gacanta ku dhigay degaano cusub ayaana keentay in shacabka, culumada iyo guud ahaan shacabka reer Galmudug ay soo dhaweeyaan soo noqoshada awoooda Ururka Al Sunna Wajeema.

Dhaq-dhaqaaqa cusub ee ururka Al Sunna ayaa waxa uu walwal iyo cabsi galiyay hogaanka Madaxweyne Qoor-Qoor oo ku fashilmay hogaanka siyaasadda iyo midka  nabadeed ee Galmudug. Sida MOL loo xaqiijiyay Ururka Al Sunna ayaa taageero dhaqaale ka helay wadamo horay taakulayn dhaqaale u siin jiray ururka Al Sunna Wajameeca iyo Hogaankiisa.

Iyada oo laga baqayo in khalalaase siyaasadeed uu  ka dhasho doorasha aqalka hoose oo dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Dhuusamareeb, ayaa keeni doonta in ay u sahlanaanaato in ururka Al Sunna uu taageero ka helo  kooxa daraamayo in cadaalad daro lagu sameeyay kuraastooda.