Ururka Al Shabaab Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Rag Ay Sheegen Iney U Shqeeyn Jireen Wadamada Reer Galbeedka

Reading Time: < 1 minute

Gelinkii dambe ee shalay ayaa Al-Shabaab waxa ay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen Shan ruux oo ay ku eedeyeen inay sirdoon u ahaayeen wadamada Reer Galbeedka.

Shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay u Shaqeyn jireen dalalka ingiriiska,Mareykanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muxamed Cabdillaahi Cawil oo da’diisa lagu sheegay 35 Sano jir,Cabdicasiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan oo 22 sana jir ahaa, Cabduqaadir Isxaaq Amiin,Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sana jir ah iyo Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sana jir ahaa.

Al-Shabaab ayaa horay sidan oo kale waxa ay toogasho ugu fuliyeen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wadamada Reer Galbeedka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!