Ururka Al Shabaab oo weerar ka geeystay gudaha Dalka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Shan qof ayaa ku dhaawacantay  dalka Kenya  nin u dhashay dalka Talyaaniga waa la Afduubtay ka dib markii dagaallyahano lagu tuhunsan yahay Shabaab ay weerar ku qaadeen goob looga dukaameysto.

Weerarka ayaa ka dhacay  xarunta dukaamada ee Chakama oo ku taalla degaanka Kilifi hoos yimaada Magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Rag hubaysan aya xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday Suuqa.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka  degmada Malindi Saakay,ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in labo ruux Xaaladooda Caafimaad ay halis tahay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi.