Ururka Al Shabaab oo sheegtay iney dileen Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

War ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar ka dhacay duleedka Magaalada Marka ay ku dileen askar ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen  in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Dowlada.

Ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab ayaa Dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.