Ururka Al Shabaab Oo Sheegay Iney Weerar Qorsheysan Ay Ku Dileen Ciidamo Katirsan Dowladda Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegteen weerar qorsheysan inay ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda federaalka Somaliya ay ku lahaayeen meel ku dhaw Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen weerarkaasi inay ku dileen laba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, islamarkaana ay qaateen qoryihii ay lahaayeen.

Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Somaliya ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro khasaare labada dhinac ah oo ka dhashay weerarkan, iyaga oo sidoo kale tilmaamay inay ku daba jiraan raggii weerarkan ka dambeeyay.

Ciidanka ammaanka ayaa saakay hawlgallo baaritaano ah ka wada goobta weerarka lagula eegtay agagaarkeeda, waxayna ku raad joogan dableyda weerarka geysatay.

Al Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho ee ay la beegsanayaan ciidanka dowladda.