Ururka Al Shabaab oo saddex ruux ku dilay Degaanka Mubaarak

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay saddex qof shalay ay  ku toogteen Goob fagaare ah oo ku taalla  deegaankaasi.

Dadka ay dileen shabaab ayaa waxaa ay ku eedeeyeen  in ay yihiin Askar iyo Ergo ka qeybqaadatay soo xulista Baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Maxamad Tifow Xaydar, waxaa ayna  Shabaab  sheegeen in uu soo xulay xildhibaanada  Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa waxaa baahiyeen Magacyada Askarta la toogtay, kuwaasi oo lagu kala  magacaabo Mahad Cabdullaahi Abuukar oo ahaa 29 jir, islamarkaana ka mid ahaa Milatariga Soomaaliya ,sidoo kale  Maxamuud Faarax Aadan oo 28 sano jir ka shaqeynayay degaanka Shalambood ay toogteen shabaab.