Ururka Al Shabaab oo markii u horeeysay ka hadlay Doorashooyinka Soomaaliya

Reading Time: 1 minute

Ururka Al Shabaab ayaa markii u horeeysay, in  mudo ah,  ka hadlay Doorashooyinka Soomaaliya  ee la doonayo in lagu qabto dalka Soomaaliya. Amiirka Ururka Al-Shabaab Axmed Cumar  ee loo yaqaano Abu Cubeyda ayaa cod uu iska soo duubay  oo lagu soo aadiyay  munaasabadda ciidda Carafo, taas oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha magaca Al Shabaab uga   hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka Soomaaliya ka dhacaan.

Amiirka Abu Cubeydah  oo ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku macneeyey inay ka tarjumeyso sida “shisheeyaha ay dalka u haystaan iyo in amarradooda lagu maamulo.”

AL Shabaab oo wado qorsho ay doonayso in ay saameyn ugu yeelato arimaha Doorashooyinka, ayaa Amiirku  waxa uu madaxda dalka hadda  hoogamisa  iyo musharaxiinta madaxweyne ku sheegay in ay yihiin kuwa  adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

 “culumaa’u suuq faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciyaaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka, oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Allah.” Ayuu Yiri Abu Cubeyda

Abu Cubeydah ayaa sidoo kale waxa uu weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaalida, isaga oo sheegay in warbaahinta ay u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimqoraadiga ah, oo xaqiiqda ay qariyaan, sida uu hadalka u dhigay. Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri. 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!