Ururka Al Shabaab oo la wareegay Deegaanka Goofgaduud Buureey

Reading Time: < 1 minute

Ururka Al Shabaab ayaa Saaka la wareegay gacan ku heynta degaanka Goofgaduud Buureey oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

La wareegitaanka Shabaab ee degaanka ayaa timid ka dib markii Saakay Aroortii ay kusoo qaadeen Weerar ku bilowday Qaraxyo, waxaana la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen Saldhiggii Ciidanka dowladda ee degaankaasi.

Taliyaha Ciidamada degaanka Goofgaduud ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidanka dowladda ay degaanka Iskaga soo baxeen, islamarkaana ay uu jiro Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qaraxyo iyo Weerarka degaanka.

Gurmad ka baxay magaalada Baydhabo ayaa kusii jeedda degaanka Goofgaduud.

Ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab, watana gaadiidka dagaalka ayaa gudaha degaankaasi galay, waxaana ay fariisimo ka sameysteen dhawr meel sida ay inoo sheegeen dadka degaanka qaarkood oo aynu la hadalnay.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, marar badan sidan oo kale ayey uga baxeen deegaanka Goofgaduud, waxaana deegaankaasi la wareegay dagaalyahannada Al-shabaab walow iyaguna ay dib u faarujiyaan.