Ururka Al Shabaab oo isaga baxay Degmada Xarar-dheere

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in  Al-shabaab ay isaga bexeen degmadaasi, kadib markii ay sii kordheen diyaaradaha dagaalka ee duqeymaha ka fulinaya Gobalkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab ay halkaasi isaga bexeen,waxaana cidlo ah Saldhiga iyo xarunta Degmada, maadaama halkaasi ay ku lahaayeen Fariisimo.

Ka bixitaan Al-Shabaab ee Degmada xarar-dheere ayaa waxaa loo sababeeyey in ay dulqaadan waayeen duqemaha ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan Deegaanada ka tirsan Goballka Mudug.

Mudo ku dhow 10 Sano ayay maamulayeen Al-Shabaab degmada Xarar-dheere ee Gobalka mudug, iyadoona intaasi dhibaatooyin u geysan jiray dadka Shacabka ah ee ku nool degmadaasi.