Warbixin Arbacadii la soo dhaafay ay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay horgeeyeen Guddigii dabagalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Difaaca Kenya ee jooga Soomaaliya ay wali ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Dhoofinta dhuxushaas ay sidoo kale Al-Shabaab ka helaan Dakhli ka badan $7-Milyan oo dollar oo ay ku qaadaan baraha koontarool ee ay ku leeyihiin Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo marka dhuxusha loo wado Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo.
Ciidanka Kenya ayaa lagu sheegay warbixinta in saami ay ku leeyihiin kiishka dhuxusha ah ee uu Maamulka Jubaland Canshuuro.
Waxaana Loorkii Dhuxusha ay Jubbaland canshuuraa $5 Doollar, taas oo sanadkii laga soo saaro $15 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Ciidanka Kenya ayaa kiishkiiba ku leh $2 Doollar oo lacagta Mareykanka ah, halkaas oo ay si dadban lacag uga sameeyaan dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.
In ka badan 3 Milyan oo Kiish oo Dhuxul ah ayaa sanad waliba laga dhoofiyaa Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo sida lagu sheegay Warbixinta waxaana kala gudbiya Shabakado dambiilayaal ah oo fadhigoodu yahay Dubai,wakiillana u joogaan Kismaayo.
In ka badan $150 Milyan oo dollar ayaa lagu sheegay in Shabakadahaas ay sanadkiiba ka sameeyaan dhuxusha Soomaaliya,waxaana Kiishka dhuxusha ah uu Dubai ka joogaa $50 Doollar.