Ururka Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo dagaal xooggan uu ku dhex-maray Gobolka Sh/hoose

Reading Time: < 1 minute

Saacadihii la soo dhaafay ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaa dagaalo ku dhexmarayay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalkaas oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana guulo ka sheegtay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa shegay in dagaalkii dhacay ay Ciidamada Dowladda kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dagaalka lagu dilay Saraakiil iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee Maanta oo Jimce ah ay faah faahin guud ka biixn doonaan.

Deegaanka Gandarshe iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Marka ayaa dagaalada ugu culus ay maalmahaan ka dhacayeen,waxaana jira in dagaalka ay markii hore qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!