Ururka Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Puntland Ku Leeyihiin Deegaanka Af Urur

Reading Time: < 1 minute

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari.

Weerarkaan ayaa Xoogag ka tirsan Shabaab oo abaabulnaa xalay waxa ay la beegsadeen Saldhigaasi xili ciidamada Puntland si deganaan leh ay ku joogeen Saldhiga la weeraray.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarkaasi, waxayna wararka sheegayaan ugu yaraan laba askari in ciidamada Puntland looga dilay weerarkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Puntland waxa ay Warbaahinta deeganadaasi u sheegeen inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid dhanka Ururka Shabaab, islamarkaana Khasaare ay gaarsiiyeen Shabaabkii dagaalka soo qaaday.

Ciidamada Shabaab ayaa dib uga laabtay Saldhiga ay soo weerareen, waxayna dib ugu laabteen fariisimada ay ka joogaan ee deegaanka Galgala.

Ciidanka Puntland ayaa la soo sheegayaa saaka inay hawlgalo amni xaqiijin ah ka wadaan duleedka Deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari.