Ururada Bulshada Rayidka oo MW/Farmaajo Iyo RW Kheeyre Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyan Danaha Shacabka,Toda Gaarka Ahna Mel Iska Dhigaan

Reading Time: < 1 minute

War saxaafadeed si wada jir ah ay u soo saareen Ururada Bulshada Rayidka ayaa walaac looga muujiyay xaalada siyaasadeed ee murugsan, iyadoo horay dalka u soo maray marxalado adag, haatanse uu dalka ku socdo soo kabasho wanaagsan.

Ururada Bulshada rayidka ee isku ra’yiga ah ayaa soo saaray qodobo ay kaga hadleen maslaxada bulshada Soomaaliyeed,

Qodobada ay si wadajir ah Ururadan u soo saareen ayaa ka mid ahaa:

1. In loo daneeyo shacabka Soomaliyeed oo ay abaaraha iyo nabadgelyo la’aanta hareeyeen.

2. In laga fogaado wax kastoo horumarka dimuqaraadiyadda dadka iyo dalka wax yeeli kara.

3. In madaxda qaranka oo ah kuwa lagu aaminay aayatiinka dalka iyo dadka ay ka soo dhalaalaan doowrkooda, helaanna xal siyasadeed oo uu waddanka ku dego.

4. In Madaxweynaha oo ah qof aad u daneeyo nabad ku wada noolaashada dadka iyo xasilloonida dalka, ahna ilaaliyaha dastuurka ee aan hore uga codsannay inuu arrintaan si toos ah u soo dhax galo uu sii wado dhexdhexaandinta, guul shacabka u wanaagsanna ka gaaro.

5. In la soo dhaweeyo lana qaddariyo samawadayaasha ku hoowlan dhexdhexaadinta iyo aslaaxinta xaaladaha cakiran.

6. Ugu dambeeyntii ururrada waxay ummadda Soomaaliyeed ka dalbayaan, in ay baryada Alle badiyaan, si loo helo xasillooni iyo nabad waarta.

Soomaaliya waqtigan uma baahna khilaaf soo kala dhex gala hay’adaha dowlada, maxa yelay taas waxa ay dhaawaceysa niyada shacabka somaliyed iyo dowladaha caalamka ee ku howlan garab istaaga dowlada madax banaan oo markale Somalia yelato taa badelkada waxa loo baahan yahay in laga wada shaqeyo xalinta khilaafka siyaasaded’ ayaa lagu yiri warsaxaafaded kasoo baxay Ururrada Bulshada ee IIDA, SWDC, SWA, SIDO, SCSC.

Qeylo dhaanta Bulshada Soomaaliyeed aya imaanaysa iyado Xukuumada Soomaaliya ay Faragalin Toos ah ku heyso Golaha Shacabka.