Ururada bulshada iyo xisbiyada dalka oo walaac ka muujiyay hoggaanka Xaliimo Yarey, kuna eedeeyay…

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in uusan guddiga doorashada laheyn qorshe Labaad oo ka bedalan midka lagu ballamay ee ahaa in dalka laga sameeyo doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa arrintan walaac badan ka muujinaya dhammaan xisbiyada siyaasadda dalka iyo siyaasiinta oo dhan, waxaa qof walba uu ogyahay in dalka aanay ka dhici doonin doorasho qof iyo cad ah, balse Xaliimo Yareey oo noqotay hooyada musuqa geeska Afrika aya rabta in ay dalka iyo dadka been ku maaweeliso.

Xaliimo yareey aya gebi ahaanba waxaa ay ku dhex milantay xafiisyada RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmajo, markii ay iyada iyo guddiga doorashadaba ku kaceen falal musuqmaasuq oo shaki badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed.

Xaliimo yareey ayaa lacago laaluush ah ka qaadatay sidii uu Gen. Gaafow ugu soo bixi lahaa kursigii uu iska casilay walaalkiis Cabdulqaadir Gaafow balse ujeedka uu ahaa sidii uu kursigaas si musuqmaasuq ah ugu fariisan lahaa Gen. Gaafow oo ay qaraabo yihiin RW Kheyre. Waxaa middaa xigtay in ay sidoo kale ka qaadatay lacago laaluush ah sidii ay fududeyn lahayd in kursigii uu iska casilay xildhibaan Daahir Cali Faarax  kaasoo isla maalinkii uu is casilay loo magacaabay in uu noqdo Qunsulka safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Jabuuti.

Dhammaan xisbiyada dalka iyo ururada bulshada aya waraaqado dacwad ah ka gudbiyay Xaliimo Ismaaciil iyagoo cod dheer ku sheegay in Xaliimo ay ku cadaatay in ay tahay shaqsi musuq badan isla markaana aanan lagu aamini karin doorashada la filaayo in aay dalka ka dhacdo dabayaaqada sanadka 2020.