Ujeedada Safarka  Madaxweynaha  ee Puntland Maxay tahay? Waasa maxay sababta uu Farmaajo u oogolaaday in Calanka Jamhuuriyadda lala simo calanka Maamul-goboleedka Puntland ma laba Dalbaa kulmaya?

Reading Time: 3 minutes

Calanka Jamhuuriyadda

Inkastoo muuqaalka calamada uu yahay feker khaldan haddana waxaan u saarineynaa inay laba uun mid ay tahay; a) Sir qarsoon oo soo butaaci doonta marka waqtigeeda la gaaro, suragalna ay tahay in odeygu ku qancay in calamada ay yihiin garba siman ama b) garashoxumo kooxaha madaxweynaha u qaabilsan hab-maamuska oo aan aqoon muuqaalka ay arrintani muujineyso. Tolow haddii “Somaliland” ahaan lahayd maxaad oran lahayd?

Ragga sharafta waa loo qiraa  haddii uu muteysto xusuuso hadalkii Axmed Midoobe ee uu ku diiday in la simo Calanka  Jamhuuriyadda iyo kuwa maamul-Gobileedyada ee ku tilmaamaya ‘Calaallo”

Calanka Jamhuuriyadda ayaa mudnaanta ka leh dhamaan calamada dalka laga isticmaalo waxaana ku soo xiga calanka hadda uu rabo Farmaajo inuu tuuro ee ay leeyihiin Sooma jeestaatayaasha Qaranka Xooga Dalka Somaliyeed.

Booqashada iyo Ujeedadeeda

Inta badan Madaxweynayasha Puntland waxaa caado u ahaan jirtay  inay booqashada madaxda Federaalka uga faa’iideystaan dano siyaasadeed oo ay leeyihiin, markanna kama duwana oo waxaa soo socota doorashadii madaxwetynaha ee Puntland. Cabdiweli Cali Gaas oo ay mucaaridad xoog leh ku furan tahay ayaa waxaa uu rajeynayaa inuu helo taageerada dawladda Federaalka oo mar waliba muhiim u ahayd cida ku soo baxeysaa doorashada Puntland.

Hasa yeeshee waxaasa xelligaan macno kale u yeelaya booqashada Farmajo waayo waa ka duwan tahay oo Madaxweyne Farmaajo ayaa isna wata dantiisa siyaasadeed. 

Madaxwyne Farmajo oo la hubo inuu ka soo wajahi doono Baarlamanka marka ay soo noqdaan culeys weyn oo ballaran iyo mucaaridad ku saleysan waxyaabo badan oo is biirsaday sida ballan ka Baxyo iyo dayicid amaanadii loo igmaday ah ayaa waxaa uu taageero beer laxawsi toleed ah ka raadsaday Puntland. Waxaa uu kulamo la qaatay odayaasha qabiillada puntland sida ay oday-keenad u yihiiin waxaana safar adag u galayaa inuu tago Degmada Qardho si uu uga soo duceysto Hoggaanka dhaqanka ee degaamada puntland Boqor Burhan. 

Maxadweyne Farmajo oo ah qof aan in badan kala socon xaaladda siyaasaded ee dalka, gacantana u geliyey wiilal yar oo Xamar kula dhex wareega seef laba afle ah oo ay hubaal tahay inay isaga ku gooyn doonaan ugu dambeynta ayaad mooddaa inay hadda cabsi soo gashay oo ay u muuqatay inuu lumin karo hoggaanka dalka haddii baarlamanka ay u qaadaan codka kalsoonida. Haddaba si looga hortago arrimahaas waxaa uu madaxweynaha bilaabay inuu Puntland soo diyaarsado, kadibna Axmed Midoobe loo wada tago iyadoo shariif Xasanna loo fududeynayo dano dhaqaale iyo mashariic uu rabo inuu ka fushado dekadda Baraawe.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweyne Farmajo soo mari doonaa degmada  uu ka soo jeedo ee Caabudwaaq taas oo iyana ah bal uu kasoo tumo durbaan reereed si loogu kaashado wixii tageero qabiil ah ee  Puntland laga soo helo.

Madaxweynaha oo hortiisa laga akhriyey khudbad la leyahay waa inaan isku tashannaa oo aan iska fiirinnaa labada reer ee hareeraha naga kala xigaa ee kala dega Hargeysa iyo Xamar ayaa umuuqday mid ku faraxsan waxa uu maqlay xelligaan isku duubni toleed uu u arko inay tahay mid uu u baahan yahay,  inkastoo uusanba ogeyn sababta uu ugu baahan yahay.

Xantu waxay leedahay looma baahna waxaaas oo dhan waayo dalka waxaa xukuma oo gacan bir ah ku haya Fahad Yasiin, isla markaana farta ugu yeeri doona xildhibaanda badankood haddii uu xildhibaanka diidana mudankiisa la marsiin doona.  Waxaa wali sii muuqda wiixii loo geystay Sanetor Cabdi Qeybdiid oo aan wali la iska warsan una muuqata inay sideeda is kaga dhammaan doonto haddi uu buuqa batana wax xoogaa shafashafa ah la siin doono odaygana, balse aan sharciga la isla aadi doonin inkastoo haddii la isla aadana uu sharcigu laftirkiisu hadda bartay cidda ay tahay inay garta yeelato.