Ugandha oo qiratay in askari ka tirsan ciidankooda xasuuq ka gaystay Xalane

Reading Time: < 1 minute

Afhayeenka ciidamada UPDF, Janaraal Felix Kulayigye, ayaa sheegay in  shalay askari  ka tirsan ciidankooda uu xasuuq ka geystay xarunta Xalane ee magalaada Muqdisho.

Janaraal Flex ayaa sheegay aan wali la aqoonsan heybta marxuumka iyo sababta keentay toogashada. Waxa kale uu sheegay in Hoggaanka ciidanka ay baarayaan xaaladihii uu mid ka mid ah saraakiishooda la geeyay Muqdisho, Soomaaliya, uu rasaas ku furay saddex askari oo la shaqeynayay arrin aan la aqoonsan.

Dhacdadan, ayaa sida ay sheegeen ilo-wareedyo ciidan, waxa ay shalay subaxdii ka dhacday Xarunta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, oo ay xilligan ilaalinayaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom. Uganda ayaa weli ah dalka ugu badan ee ciidamada ugu deeqay Amisom.

Janaraal Flex  ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglaha, isla markaana la saaray koox baaritaan ku sameeya falkan. “Waa run in mid ka mid ah askartayada UPDF uu toogtay saaxiibadiis oo ku sugan Soomaaliya, halkaas oo loo dirayo hawl amni. UPDF waxay diyaarisay guddi baaritaan si ay u baaraan sababta keentay shilkan dhimashada ah,” ayuu yiri

“Eedaysanihii falkaas ka dambeeyay waa la xidhay, waxaana hadda nalagu hayaa xabsiga. Baaritaannada ka dib, waxaa lagu soo oogi doonaa eedeymo ku habboon,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka ciidamada. Toogashada askarta UPDF waa wax aan caadi ahayn marka ay hawl gal ka wadaan dalka dibaddiisa ama guriga.