Uganda oo Wada Qooritaanka Ciidan Cusub oo Ay Soomaaliya u Soo Dirayso

Reading Time: < 1 minute

Dawladda Uganda ayaa horaantii isbuucan bilawday ol’ole ay ku qorayso in ka badan 2,735 askari oo ay doonayso in ay usoo dirto dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan guutooyinka 31aad iyo 32aad ee ciidankeeda nabad sugud ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee qaybta ka ah taliska AMISOM.

Warbaahinta dalkaas ayaa maalmihii ina soo dhaafay baahinaysay hanaanka xulashada ciidankan oo shuruuda lagu xiray ay kamid yihiin in ay horay uga baxeen ciidanka dalkaa isla markaana ay da’doodu ka hoosayso 55 sano darajadiisuna ay ka hoosayso darajada “Major” ama gaasgaanle.

6,223 askari oo dalkaas Uganda ka socda ayaa haatan ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyaga oo qay ka ah ciidanka nabad sugidda AMISOM waxaana ciidanka cusub la doonayaa in lagu xoojiyo ciidankan.

Ciidanka lagu qaato diiwaan galintan cusub ayuu taliska UPDF ee ciidanka Uganda sheegay in tababar cusub loo furi doono loona soo diri doono Soomaaliya daba yaaqada sanadkan 2020ka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!