Uganda oo Qirtay in ay si Bareer ah Ciidamadeedu u Dileen Askar ka Tirsan NISA

Reading Time: < 1 minute

Afhayeenka ciidamada Uganda “Brig Richard Karemine” ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ay ciidamadooda isku dayeen in ay maraan bar koontarool oo u xirneed qaar katirsan ciidamada dowladda, xilli ay daawooyin gargaar u sideen qaar katirsan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii 23’kii bishan ka dhacay caasimada Muqdisho.

 

Waxa uuna intaasi sii raaciyay afhayeenka ciidamada Uganda in intaasi kadib ay ciidamada soomaalida ay xabado ku soo fureen taasna ay sababtay in ay is difaacaan oo ay ciidamada soomaaliya ay ka dilaan illaa iyo 3 askari.

Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa ku eedeeyay in ciidamada soomaaliya ay ku soo gardaroodeen, waqti dhanka kale madaxda ciidamada amaanka soomaaliya ay ku eedeeyeen in Amisom ay diiday in labaaro xilli ay ayagoona intaasi sii raaciyay in ciidamada amaanka soomaaliya ay xaq u lahaayeen in ay baaraan cid walba intii ay hawlgalkaas wadeen.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku amaray in madaxda ciidamada amaanka soomaaliya, ay hubiyaan in aysan dhicin ficilada nuucaan oo kala ah.