Ruhakana Rugunda Ra’iisul wasaaraha dalka Uganda ayaa waxaa u ka hadlay Ciidamada Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee ka howgala Soomaaliya.
R/Wasaaraha ayaa uga digay Qaramada Midoobay in xiligan dhinto Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa howlagla Soomaaliya.
Sidoo kale R/Wasaarah ayaa shaaca ka qaaday in arintan ay caqabad ku noqonayso Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooaga, maadama ayuu yiri ay in ciidamada AMISOM hada ay wadaan dadaallo lagu dhisayo Ciidamo xoogga.
R/Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoaogga dalka 80% ay al Shabaab ka saareen deegaanada ay ka maamuli layeen Soomaaliya.
Hadalkan ayaa waxaa uu ka sheegay Shirka Golaha guud ee Qaramada midoobe, kaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka.
Ciidamo badan ka socda dalka Afrika ayaa xiligan waxaa ay ku sugan yihiin Soomaaliya, iyagoona qeyb ka qaata howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.