Waxaa maanta markale dib uga bilaawday Magaalada Muqadishu Duulimaadka diyaaradda Uganda Airlines. Dulimaadkaas oo tooska ahaan doono ayaa ka bilaawday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Munaasabadda lagu daahfurayo duulimaadkaas ayaa waxa maanta lagu qabtay Garoonka Adan Cade iyada oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan. Madaxdaas waxaa ka mida Madax ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwa Shirkadda Uganda Airlines iyo qaar ka mid ah safiirada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, iyadoona saacadaha soo aadan la filayo in Diyaarada Uganda Airlines Maanta kasoo degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.