Ugaaska beesha Mariixaan oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Jubbaland (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Odayaal uu Muqdisho ka casuumay MW. Farmaajo oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in aanay aqoonsaneyn isla markaana ay dagaal la gali doonaan maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Odayaasha aya sheegay in ay farriin ay ka sidaan MW. Farmajo uu iclaamiyay in la qabto shirweyn ay beesha Mariixaan uga tashanayaan aayahooda. Ugaaska beesha Mariixaan ayaa sheegay in la taageero dowladda, isagoo ku sababeeyay in MW. Farmaajo uu ka dhashay beesha Mariixaan isla markaana uu mudan yahay taageero hagar la’aan ah.

Waxaa gobolka Gedo ka soo baxay horraantii bishan Desember ciidan uu hoggaaminayo abaanduulihii hore Gen. Caanood kuwaaso kusoo wajahan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe, ciidankan oo ah ciidan beeleed la soo abaabulay oo la rabo in lagula dagaalo maamulka Jubbaland.

Shir ay ku yeesheen beesha Ogaadeen dalka Mareykanka ayeey uga digeen in uu MW. Farmaajo ka waantooba colaadda uu hurinaayo waxayna odayaasha sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan weerar kasta oo laga soo abaabulo Villa Soomaaliya.

Waxaa magaalada Kismaayo laga dareemaya saan saan colaadeed iyadoo ciidanka Jubbaland lageliyay heegan buuxa. Waxaa ciidanka Jubbaland lagu amray in aanay sugin haddii ciidanka laga soo diray Gedo ay soo gaaraan fariisimaha ay ciidanka Jubbaland uga jiraan difaaca.

MW. Farmaajo ayaa dalka gelinaaya dagaallo sokeeya, haddii aanan hadda wax laga qaban waxaa laga cabsi qabaa in uu dalka dib ugu laabta colaad sokeeye oo qaadan doonta sanado badan sidii looga soo kaban lahaa.