Ugaaska Beesha Mareexaan oo maanta isaga baxay Muqadishu, una guuray Kismaanyo iyo Farmaajo oo waaga ku baryay

Reading Time: 2 minutes

Ugaaska Beesha Mareexaan Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarrow ayaa maanta isaga baxay magalaada Muqadishu isaga oo u guuray Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaanyo. Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu ku guuldaraystay in Ugaaskiisii uu ku celiyo Muqadishu si uusan u taageerin Axmad Madoobe.

Farmaajo oo beesha uu ka dhashay ka tirsnayaan dhibaatoyin fara badan isla markaana u arko in uu yahay shaqsi ay isticmaalaan koox ku ganacsatada magaca Soomaaliya iyo kii beesha Mareexaan ayaa waxa ay go’aansadeen in ay u muujiyaan shacabka Soomaaliyeed in ay beri ka yihiin hogaan xumida iyo doqonimada Farmaajo.

Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe ilaa sakaay ku mashquulsanaa sidii uu Ugaaska ugu hayn lahaa magaalada Muqadishu  una baajin lagaa safarkiisa. Farmaajo ayaa isku dayay in uu lacag u isticmaalo Ugaaska laakiin waa ku guuldaraystay.

Mid ka mida Xildhibaanada beesha Mareexaan ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ayan wax lala yaabo  ahaynin in Farmaajo lumiyo kalsoonida bulshada Soomaaliyeed, lakiin waxaa wax laga xumaado ah in uu awoodi waayay in uu Ugaaskiisii kalsoonadiisa hanto.

Farmaajo oo ay maamulaan Xasan Kheyre iyo Fahad Yasin ayaa u muuqda mid qoraxdiisa sii dhacayso. Dhanka kale waxa habeen iyo maalin maamula Farmaajo  Xaaskiisa Saynab Macalin oo u muuqata in ay tahay madaxweynaha runta ah ee dalka Soomaaliya.

Beesha Mareexaan ayaa doonaysa in ay iska fogeeyaan ceebta iyo hogaan xumida Farmaajo isla markaana u muujiyaan shacabka Soomaaliyeed in ay beri ka yihiin dhibaatooyinka uu u horseedayo dalka Soomaaliya.

Su’aalaha dad badan isweyndiinayaan ayaa waxaa ka mida; Maxay Soomaali ka sugi kartaa shaqsi Ugaaskiisii inkaaray? Shaqsi hanan waayay in uu Ugaaski beesha uu ka dhashay? Soomaali maxay ka sugi kartaa qof aan lahayn aragti dowladnimo isla marnaa aan awoodin in isku keeno labo qof oo kala fakar ah?.