Ugaas Yusuf oo qaabilay garabka Dabageed & Sufurow, iyadoo xal-laga-sugaayo

Reading Time: < 1 minute
Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed hagar (Dabageed) oo u Wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa hoygiisa Magaalada baladweyne maanta ku booqaday Ugaas Yuusuf ugaas Xasan ugaas Khalif oo Kamid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa salaan kadib kulan gaar ah la yeeshay ugaaska asigoo ugu mahadceliyay doorkiisa nabadeed ee ugaas yuusuf u tagay magalaada baladweyne.
Ugaaska ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baladweyne ku soo dhaweeyay garabka Cali Jeyte, iyada oo garabka Yusuf Dabageed ay ka gaabsadeen inay ayagana Ugaaska ugu tagaan garoonka diyaaradaha iyada oo laga baqayo in uu halkaas iska-hor imaad ciidan ka dhoco.
Ugaaska ayaa waxaa looga fadhiyaa in uu xal ka gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira Gobolka Hiiraan. Mana muuqato ififaalo muujinaya in ugaaska uu faragalin ku sameyn doono khilaafka baahay ee halkaas ka jira.