Ubax Tahliil oo dib ugu soo ceshatay lacagtii laaluushka ee Qoor Qoor ka qaatay?  $300,000!!

Reading Time: < 1 minute

Qoor Qoor oo horay uga  iibiyay kurisiga xildhibaanino Marwa Ubax Tahliil ayaa lagu qasbay in uu dib u soo celiyo lacagtii uu horay u qaatay Ubax. Qoor Qoor ayaa lacag ku qaatay dhamaan kuraastii doorashada ee lagu qabtay magalaadda Dhusamareeb.

Ubax Tahliil oo kamida Musharaxiinta lacagta kula heshiisay Qoor Qoor, ayaa markii looga adkaaday doorashadii Gaalkacyo waxa ay da’daal u gashay inay lacagteeda ka soo ceshato Qoor Qoor.

“Walaahi ayaan ku dhaartee in aan aqbali karin in la isugu keydaro guuldaro iyo in $300,000 Qoor Qoor iga qaato. Waa in Qoor Qoor lacagteyda soo celiyaa hadii kale waa ka shaleynayaa”,  Ayay tiri Ubax Tahillil  oo taagan guriga Qoor Qoor hortiisa.

Qoor Qoor oo markii hore isku dayay inuu iska dhaga tiro hadalada ka soo yeerayo Ubax Tahliil, ayaa ugu danbeeytii waxaa lagula taliyay in uu dib u celiyo lacagtii laaluushlka ahayd ee uu ka qaatay Ubax Tahliil hadii  kale uu la kulmayo ceeb weyn.

Qoor Qoor ayaa balan qaadat in uu lacagta ka soo dabatiraayo  Ubax Tahliil laakiin  waa au diiday in ay sugto inta lacagta looga sdiraayo. Ugu danbeyntii $300, 000 ayaa lagu wareejiyay Ubax Tahliil.